Talaalka kadib

Macluumaadka soo socdaa waxaa loo sameeyay websaytkan oo waxaa sameeyay xirfadlayaal caafimaad iyo khabiirada caafimaadka shacabka iyaga oo isticmaalaya dawlada Kanada iyo ilmaha kale ee saynisyahanaha iyo caafimaadka. Looguma talo gelin talo caafimaad. Waxa aad marka kasta ka doonataa talada bixiye daryeelka caafimaad oo u qalma wixii su’aalo ah ee aad qabto ee ku saabsan talaalka COVID-19.

Boqolkiiba boqol ma xaqiijin karno, laakiin waa macquul in aad weli sidi karto fayraska xataa haddii lagu talaalay. Waanu ognahay in talaalku ka ilaalin doono dadka inay ku xanuunsadaan fayraska, laakiin waa macquul inaad weli sidi karto fayraska oo aad dadka kale qaadsiin doonto xataa haddii lagu talaalay. Waxa aanu macluumaad badan ka ogaan doonaa inta aanu wadno tijaabada caafimaad ee cadaymaha rasmiga ahi ay soo baxayaan. Wakhti xaadirkan, waa in aanu sii wadnaa xidhashada waji gashadka, in aanu kala fogaano, iyo in aanu raacdo talooyinka caafimaadka shacabka ilaa inta dad badan oo reer Kanada ahi ay si buuxda isku talaalayaan.

Waxay qaadataa ilaa laba todobaad kadib marka aad qaadato talaalka labaad in jidhkaagu uu helo ilaalada talaalka. Qofku waxa uu qaadi karaa fayraska kahor ama inyar kadib marka la talaalo oo uu xanuunsan karaa, maadaama oo aanu talaalku weli helin wakhti ku filan oo uu badbaadada ku bixiyo.

Sidoo kale tani waxaa weeye taxanaha dhamaystiran ee labada talaal ee loo baahan yahay.

Talaalka COVID-19 waxtarkiisa hore aad uu u sareeyaa kadib marka aad qaadato talaalka kowaad (80-92%) oo waxaana ay socotaa ugu yaraan dhawr bilood.

Waayo-aragnimo laga helay tallaallo kale oo kuurooyin kala duduwan isugu jiray kadib markii kuuro hal nooc ah horay loo soo qaatay waxay go’aaminaysaa in badbaado joogto ah ay sii jiri karto lix bilood ama kabadan. Xaqiiqadii, daraasado badan waxay muujiyeen inaad heleyso xataa difaaca jirka oo intii hore ka badan markii aad sii sugtaba waqti intii hore kabadan. Marka arrinkaan waxaa daliil u ah saynis.

Oo badi tallaallada, heerarka difaaca jirka hoos ayay u dhacayaan waqti kadibba si lama filaan ahna hoos uguma dhacaan heerarka difaaca. Xataa bilo ama sannado kadib, kuuro kale oo tallaal ah ayaa sare u qaadi karta difaaca ilaa uu ka gaaro heerar sare, ayadoo siinaysa waqti intii hore ka badan oo badbaado ah.

Hadda maadaama aan ku haysanno Canada gudaheeda tallaal intii hore si aad uga badan la isugu hallayn karo oo badan, waqtiga u dhexeeya kuurooyinka waxaa lagu soo koobay siddeed asbuuc.

Haa, hadda, sidan ayaa la yeelayaa, ilaa Hay’adda Caafimaadka Dadweynaha ee Canada ay ka go’aamiso marka ay tahay waqtiga saxda ah ee xirashada maaskarayaasha iyo kala fogaanshaha dadka la iska deynayo. Sababta arrintan waa in ay qaadato dhowr asbuuc in tallaalku uu waxtar ka yeesho (oo uu dhiso difaaca jirka) oo difaac inta ugu badan waxaa la helaa markii la dhammaysto kuurada labaad ee tallaallada Pfizer-BioNTech, Moderna iyo AstraZeneca COVID-19, ayna qaataan inta dad ugu tiro badan sida macquulka ah.

Ma garanayno weli mudada uu jiri doono badbaadada dadka la talaalay. Daraasaduhu waxay muujinayaan in talaalada mRNA ee wakhtigan in dadka la talaalay ay leeyihiin difaac jidhka ah oo adag oo COVID-19 ah ugu yaraan lix bilood. Waxaad moodaa in difaacu uu jiri doono mudo, laakiin daraasada waa in lala socdaa in mudo ah.

Wakhtigan xaadirka ah, ma garanayno haddii talaalku uu jiri doono sanad ama toban sano, ama haddii loo baahan doono wakhti kamid ah wakhtiyada talaal lagu xoojiyo.

Waxay caadiyan qaadataa dhawr todobaad in jidhku dhiso difaaca kadib marka la qaato talaalka COVID-19. Laakiin xasuusnaw in labada talaal loo baahan yahay si loo gaadho difaaca ugu badan ee talaalada COVID-19 ee Pfizer-BioNTech, Moderna iyo AstraZeneca. Talaalka COVID-19 ee Johnson & Johnson kaliya hal mar ayaa la qaataa.

Talaalka kadib, waxaa caam ah in aad yeelato si kumeel gaadh ah saamayn caafimaad daro yar ama dhexe, oo ay ku jiraan:

  • Damqasho, casaan, diirimaad, cuncun ama barar meesha lagaa muday,
  • Daal,
  • Madax xanuun,
  • Yalaalugo (lalabbo)
  • Murqe ama laalabatooyin xanuun, iyo
  • Xumad yar ama qadhqadhyo

Kuwanna waa calaamaddoama astaamo caadi ah in jidhkaagu dhisayo difaaca oo astaamahaasi waxay u baaba’aan iskood dhawr maalmood kadib.

Haddii aad qabto astaamo waawayn ama kasii dara, waxa aad kala hadashaa daryeel bixiyahaaga caafimaadka. Haddii ay u eeg yihiin kuwa COVID-19, waa inaad is baadhaa oo aad go’doomin isku samaysaa ilaa inta natiijada shaybaadhku soo baxayso.

Waa naadir, in saamayn caafimaad daro kale oo loo yaqaan anaphylaxis ay timaado. Waxay tani dhacdaa guud ahaan dhawr dariiqo gudahood ama ilaa saacada hore kadib marka aad qaadato talaalka. Sidaas darteed, dadka qaata talaalka COVID-19 waxaa laga dalbadaa inay 15 daqiiqo fadhiyaan kadib marka la talaalo si markaa shaqaalaha daryeelka caafimaadku ay ula socon karaan shakhsiyaadka yeesha jawaab celinta aadka u daran.

Saamaynta caafimaad darada kale ma muujinayso in talaalku shaqaynayo iyo in kale.

Waa dhan in saamaynta caafimaad darada kale ay tahay calaamado caadi ah oo sheegaya in talaalku uu shaqaynayo oo jidhkaaguna dhisayo difaaca. Laakiin, taasi kama dhigna inay tahay inaad ka warwarto hadii aanad yeelan saamayn caafimaad daro kale. Tusaale ahaan, talaalada mRNA waxay uu bixiyaa difaaca jidhka taas oo ah wax ka badan boqolkiiba 90% dadka qaatay intii lagu jiray tijaabada caafimaad, laakiin wax ka badan boqolkiiba 50% may sheegin wax saamayn caafimaad daro ah. Si kale marka loo dhigo, badanaa dadku ma yeeshaan wax jawaab celin ah, laakiin waxay helaan difaac buuxa.

Markaa, haddii aanad dareemin saamayn caafimaad daro kale kadib marka aad qaadato talaalka COVID-19, maaha wax ay tahay in laga warwaro waxa aad weli leedahay difaac lamid ah sida dadka kale ee yeeshay saamaynta caafimaad darada!