Macluumaadka soo socdaa waxaa loo sameeyay websaytkan oo waxaa sameeyay xirfadlayaal caafimaad iyo khabiirada caafimaadka shacabka iyaga oo isticmaalaya dawlada Kanada iyo ilmaha kale ee saynisyahanaha iyo caafimaadka. Looguma talo gelin talo caafimaad. Waxa aad marka kasta ka doonataa talada bixiye daryeelka caafimaad oo u qalma wixii su’aalo ah ee aad qabto ee ku saabsan talaalka COVID-19.
Iska talaalida fayraska COVID-19 waxa uu kaa caawin doonaa inuu kaa ilaaliyo inaad ku xanuunsato ama aad ku dhimato Covid-19. Sidoo kale, waxa uu joojinayaa in Covid-19 ku faafo Kanada, tiro wanaagsan oo reer Kanada ahi waa inay is talaalaan si loo joojiyo isku gudbinta fayraska ee bulshada.
Xataa haddii aanu qofku ku dhiman COVID-19, waxaa jiri kara mushkilad mudo dheer ah oo ay ku jiraan xasuusta oo guurta, daal, mushkilad neefsi oo aan la garanaynin, iyo waxyeelo sanbabka iyo wadnaha ah.
Haddii dad badan is talaalaan, fayraska waxaa yaraanaya faafitaankiisa. Waa in aan talaalnaa ugu yaraan 75% dadka si aanu u gaadhno xayndaabka badbaadada bulshada oo aanu ugu noqona nololaheenii maalin kasta oo caadiga ahaaa, dib loo furo ganacsiyada, in aanu laabta gelinoo oo aanu mar kale aragno dadkeenii.
Maya, dhamaan talaalada COVID-19 oo dhan waa bilaash.
Bartamaha Juunyo, Gudida Latalinta Qaran ee Talaalka (NACI) wuxuu cusbooneysiiyay talo-bixinnadiisii sida laisugu baddalan karo tallaallada COVID-19 ee kuurooyinka labaad. Tallaalka mRNA hadda waxaa loo doorbidayaa inuu yahay kuurada labaad ee loogu tala galay shakhsiyaadka qaatay kuurada hore ee AstraZeneca, taasoo ku salaysan caddeyn soo baxeysa oo ku saabsan inuu difaaca jirku si fiican ugu shaqeyn karo tallaalka isku qasan.
Haddii aad u qaadatay tallaalka mRNA (Pfizer-BioNTech ama Moderna) sidii kuuradaada ugu horreysa, waxaa laguu siinayaa tallaalka mRNA sidii kuuradaada labaad. Waxaa la doorbidayaa inaad qaadato tallaal la nooc ah kii markii hore aad qaadatay, inuusan oollin ma ahee ama aanan la ogeyn, markaas oo caadi ay tahay in la qaato nooca kale ee tallaalka mRNA. Labaduba badbaado ayay leeyihiin oo waa wax-ku-ool.
Haddii aad qaadatay AstraZeneca oo ah kuuradii kuugu horreysay, waxaad dooran kartaa inaad u qaadato AstraZeneca sidii kuuradaada labaad, laakiin NACI waxaa uu iminka ku talinayaa inaad u qaadato tallaalka mRNA sidii kuuradaada labaad.
Dhammaan tallaallada waxaa loo ansixiyaa si isku mid ah in loogu dhex isticmaalo Canada si ay si wax-ku-ool ah ay ugu dhimaan isbitaal dhigidda bukaannada iyo xanuuno halis ah, waana wax ku ool in kudhow oo sigeysa 100% dhanka kahortagga geerida ka timaada COVID-19.
Qodobka muhiimka ah waa in ay tahay inaad sugto in lagu tallaalo labo jeer si si buuxda aad ugu hesho badbaado. Noocyo cusub oo fayraska ah ayaa soo baxaya kuwaasi oo dad badan asiibaya, in bukaanno badan la dhigo isbitaallo oo dad badan ay geeriyoodaan keenay, marka tallaalidda dad badan waa habka qura ee arrinkaan lagu joojin karo.
Sida ay sheegeen Health Canada, iyo tijaabada caafimaadka oo lagu sameeyay tobanaan kun oo ka qayb gale oo la talaalay:
Pfizer-BioNTech 95% ayuu wax taraa kadib marka talaalka labaad la qaado
Isha: https://www.canada.ca/en/health-canada/services/drugs-health-products/covid19-industry/drugs-vaccines-treatments/vaccines/pfizer-biontech.html
Moderna 94% ayuu wax taraa kadib talaalka labaad
AstraZeneca 62% ayuu wax taraa kadib talaalka labaad (79% daraasada Waqooyiga/Koonfurta Maraykanka ayaa sheegey)
Macluumaadka caalamka dhabka ah ee AZ waxa uu wax taraa 80-90% kahortaga dhigitaanka isbitaalka.
Isha: https://www.canada.ca/en/health-canada/services/drugs-health-products/covid19-industry/drugs-vaccines-treatments/vaccines/astrazeneca.html
Johnson & Johnson 66% ayuu wax taraa marka mar kaliya la qaado oo macluumaadka caalamka dhabta ah waxaa weeye >90% ayuu wax taraa kahortaga xanuunka daran iyo dhigista isbitaalka.
Isha: https://www.canada.ca/en/health-canada/services/drugs-health-products/covid19-industry/drugs-vaccines-treatments/vaccines/janssen.html
Dhamaan afarta talaal wax badan ayay taraan marka la eego kahortaga COVID-19 daran, dhigista isbitaalka iyo dhimashada.
Way ku kala duwan yihiin talaalada iyo noocyadu.
Talaal kasta oo COVID-19 waxa uu kahortagaa xanuunka daran/dhimashada ee noocyada kala duwan ee wakhtigan wareega Kanada.
Xataa haddii talaalku muujinayo waxtar yar oo noocyada qaar ah, shirkada soo saartay waxay wadaan noocyo cusub oo talaaladooda ah si ay wax uga taraan noocyada cusub, markaa waxay u badan tahay in aad talaal kale qaadayo mustaqbalka kaas oo la dhaqan gelin doono bilaha iyo sanadaha soo socda.
Pfizer-BioNTech, Moderna iyo AstraZeneca, waxaa looga baahan yahay laba talaal maadaama oo talaalka kowaad “xaliyo” difaaca jidhka jawaabtiisa: jidhkaagu waxa uu bartaa sida loo sameeyo antiboodhiga uu kula dagaalamayo COVID-19. Talaalka lobaad “kordhinta” waxaa loogu talo geley difaac adag iyo mudo dheer ah. Labada talaal ayaa loo baahan yahay si looga helo difaac jidhka oo dhamaystiran.
Talaalka Johnson & Johnson waa la tijaabiyay oo waxa uu muujiyay ilaalin dadka ah oo waxa uu bixiyaa difaac jidh talalaka kaliya.
Pfizer-BioNTech iyo Moderna: talaalo mRNA.
Qayb yar oo kamid ah mRNA oo ka tirsan korodhka nafaqada COVID-19 ayaa gasha unuga oo waxa ay bartaa jidhka sida uu u sameeyo antiboodhiga lagula dagaalamayo fayraska COVID-19. Kadibna mRNA ayaa ku burburisaa saacad gudaheed, waxaanay u reebaan tilmaamaha.
Astra Zeneca iyo J&J: talaalo vector oo fayraska ah.
Talaaladani waxay isticmaalaan fayrasyo aan waxyeelo la’hayn (sida fayraska hargabka oo kale ah) oo la difiiciyay oo kadibna wax laga badalay iyada oo lagu darayo wax kamid ah borootiinka korodhay ee fayraska COVID-19. Nidaam lamid ah ayaa ka qabsooma sida talaalada sare ee mRNA, kaas oo jidhkeena ku keena inuu sameeyo antiboodhi oo ka shaqeysiiyo unugada kale ee difaaca jidhka.
Midna lama fal galo ama wax kama badalo DNA-gaaga!
Midna lama socdo fayras nool oo COVID-19 ahi.
Dhamaan waxay leeyihiin samaayn caafimaad daro kale oo isku mid ah: damqasho meesha lagaa muday, daal, xumad ama astaamo sida hargabka oo kale ah, madax xanuun, murqe xanuun/laalabatooyin xanuun.
Health Canada waxay ansixisay talaalada Pfizer-BioNTech, Moderna, AstraZeneca iyo Janssen (Johnson & Johnson) ee COVID-19 in lagu isticmaalo Kanada.
Maya. Qaadashada wixii talaal ah, oo uu kamid yahay talaalka COVID-19, ma saameeyo natiijada shaybaadhka COVID-19 maadaama oo aanu la socon fayras nool.