Kahor Talaalka

Macluumaadka soo socdaa waxaa loo sameeyay websaytkan oo waxaa sameeyay xirfadlayaal caafimaad iyo khabiirada caafimaadka shacabka iyaga oo isticmaalaya dawlada Kanada iyo ilmaha kale ee saynisyahanaha iyo caafimaadka. Looguma talo gelin talo caafimaad. Waxa aad marka kasta ka doonataa talada bixiye daryeelka caafimaad oo u qalma wixii su’aalo ah ee aad qabto ee ku saabsan talaalka COVID-19.

Haa, dadka horay uu ugu dhacay COVID-19 waa lagu tallaali karaa labada kuuraba. Khubaradu wali ma ogaan inta lagaa badbaadiyay inaad jirrato mar kale kadib markii aad ka buskootay COVID-19. Tallaalku wuxuu gacan ka geysanayaa inuu abuurmo difaac kahortagga wixii dullin ah oo soo gala jirka ayadoon la xanuunsan.

Haddii uu dhawaan kugu dhacay COVID-19, waa inaad sugto ilaa aad kasoo kabsato oo muddadii aad gooni dadka isaga sooceysay ay dhammaato kahor inta aadan qaadan tallaalka.

Haddii aad u qaadatay tallaalka mRNA (Pfizer-BioNTech ama Moderna) sidii kuuradaada ugu horreysa, waxaa laguu siinayaa tallaalka mRNA sidii kuuradaada labaad. Waxaa la doorbidayaa inaad qaadato tallaal la nooc ah kii markii hore aad qaadatay, inuusan oollin ma ahee ama aanan la ogeyn, markaas oo caadi ay tahay in la qaato nooca kale ee tallaalka mRNA. Labaduba badbaado ayay leeyihiin oo waa wax-ku-ool.

Haddii aad qaadatay AstraZeneca oo ah kuuradii kuugu horreysay, waxaad dooran kartaa inaad u qaadato AstraZeneca sidii kuuradaada labaad, laakiin NACI waxaa uu iminka ku talinayaa inaad u qaadato tallaalka mRNA sidii kuuradaada labaad.

Dhammaan tallaallada waxaa loo ansixiyaa si isku mid ah in loogu dhex isticmaalo Canada si ay si wax-ku-ool ah ay ugu dhimaan isbitaal dhigidda bukaannada iyo xanuuno halis ah, waana wax ku ool in kudhow oo sigeysa 100% dhanka kahortagga geerida ka timaada COVID-19.

Qodobka muhiimka ah waa in ay tahay inaad sugto in lagu tallaalo labo jeer si si buuxda aad ugu hesho badbaado. Noocyo cusub oo fayraska ah ayaa soo baxaya kuwaasi oo dad badan asiibaya, in bukaanno badan la dhigo isbitaallo oo dad badan ay geeriyoodaan keenay, marka tallaalidda dad badan waa habka qura ee arrinkaan lagu joojin karo.

Qof kasta oo qaatay talaalka waxaa weli looga baahan yahay inuu raaco tilmaamaha caafimaadka shacabka. Kadib marka aad is talaasho, waxaa weli sii muhiim ah in aad sii wado talaabooyinka kahortaga, oo ay ku jiraan farxalka, kala fogaanshaha, xidhashada waji gashadka, iyo inaad joogto guriga haddii aad xanuunsanayso. Waxaa jira dhawr sababood oo ay muhiim u tahay:
Waxay qaadataa ugu yaraan laba todobaad in jidhkaagu helo badbaadada uu ka helayo talaalka COVID-19. Tani waxay ka dhigan tahay in haddii aad qaado COVID-19 wixii ka horeeya talaalka, ama labada todobaad mudada ah gudaheed kadib marka lagu talaalo, waxa aad ku xanuunsan kartaa COVID-19. Markaa haddii aad isku aragto calaamado yaryar oo COVID-19 ah kadib marka lagu talaalo, is baadh.
Talaalku ma moojinayo in qof kastaa uu qaado COVID-19. Dadka qaada fayraska, waxa aad u yar inaad dareento xanuun daran.
Talaalka la diyaariyay waxtar badan ayuu leeyahay, laakiin waxaa jiri kara tiro dad yar oo aanu u yeelin difaaca. Waxa aad weli faafin kartaa COVID-19 haddii aad dhax gasho dadka uu aad uga dhawaato intii la amray ama aanad raacin taxadirka caafimaadka shacabka.

Maya, gebi ahaanba qaadashadu talaalku waa ikhtiyaar. Adiga ayaa leh ikhtiyaarka inaad qaadato iyo in aanad qaadan talaalka COVID-19.

Dhamaan dadka degan Kanada, iyada oo aan la eegeynin xaaladooda deganaanshe, ayaa u qalma talaalka COVID-19. Lagaagama baahna inaad leedahay PHN shaqaynaya. Wakhti xaadirkan, kaliya shakhsiyaadka 18 jirka ah iyo wixii ka wayn ayaa u qalma inay qaataan talaalalada Moderna, AstraZeneca iyo Johnson & Johnson. Shakhsiyaadka 12 jirka iyo ka wayn ayaa u qalma inay qaataan talaalka Pfizer-BioNTech.