Caafimaadka iyo amaanka talaalka

Macluumaadka soo socdaa waxaa loo sameeyay websaytkan oo waxaa sameeyay xirfadlayaal caafimaad iyo khabiirada caafimaadka shacabka iyaga oo isticmaalaya dawlada Kanada iyo ilmaha kale ee saynisyahanaha iyo caafimaadka. Looguma talo gelin talo caafimaad. Waxa aad marka kasta ka doonataa talada bixiye daryeelka caafimaad oo u qalma wixii su’aalo ah ee aad qabto ee ku saabsan talaalka COVID-19.

Haddii aad iswaydiinayo haddii aad u qalanto inaad qaadato talaalka COVID-19 deegaankaaga, ama haddii aad doonayso inaad qabsato balanta talaalka COVID-19, guji linkiga hoose si aad u ogaato macluumaadka ugu danbeeya iyo dalabyada balansiga halka aad degan tahay.

British Columbia
Alberta
Saskatchewan
Manitoba
Ontario
Quebec
New Brunswick
Nova Scotia
Newfoundland and Labrador
Prince Edward Island
Northwest Territories
Nunavut
Yukon

Wax talaabo ah oo laga booday ma jirto, oo dhamaan nidaamyada amaanka ah waa la raacay. Talaalada waxaa dhakhso loogu sameeyay maadaama oo ay jirtay teknooloojiyad hormartay iyo maadaama oo qaybta ansixinta aan caafimaadka ahayn (nidaamyada iyo ansixinta) la dedejiyay.

Maya. Borootiinka loo isticmaalo talaalka lama fal gasho ama waxba kama badasho DNA. Waxa uu si dabiici ah ugu burburiyaa talaalku saacad gudaheed, waxaanu ka tagaa tilmaamaha sida loo sameeyo antiboodhiga hadii uu weligaa ku asiibo fayraska COVID-19.

Talaalka Pfizer-BioNTech waxa ay u ansixiyay Health Canada caruurta 12 jirka ah iyo wixii ka wayn.

Talaalada Moderna, AstraZeneca iyo Johnson & Johnson waxay u ansixisay Health Canada in loo isticmaalo shakhsiyaadka 18 jirka iyo wixii ka wayn.

Daraasada ayaa iminka socda kuwaas oo lagu oganaayo amaanka iyo wax ku oolnimada talaalada COVID-19 ee caruurta yaryar.

Wakhti xaadirkan Kanada dhexdeeda, talaalka COVID-19 waa in aan lala qaadan isku wakhti talaalo kale. Laakiin, Maraykanka, waxaa la wada bixin karaa talaalka COVID-19 iyo talaalo kale isku wakhti marka la eego wakhtiga, waxaana kamid ah iska barbar bixin talaalka COVID-19 iyo talaalo kale isku maalin. Waa inaad kala hadashaa daryeelka bixiyahaaga caafimaadka haddii ay tani kugu haboon tahay adiga.

Ku dhawaad cid walba ayaa u qaadan karta si amaan ah talaalka, in kasta oo ay jiraan dad tiro yar oo loo baahan yahay in laga ilaaliyo talaalka maadaama oo ay qabaan xasaasiyad daran oo ay ka qaadayaan waxyaabaha talaalka. Marka la eego khatarta COVID-19 ee socota, badanaa shakhsiyaadka waxaa la siin karaa talaalka. Runtii, dadka qaba xanuunada kale oo si wayn ugu nugul waxay u badan tahay inay yeeshaan mushkilad caabuqa COVID-19 ah oo waa in loo talaalaa sida ugu dhakhsaha badan marka ay heli karaan.

Guud ahaan, waa amaan inaad qaadato talaalka COVID-19, xataa hadii aad kasoo kabanayso xanuun (sida, shingles), laakiin hadddii aad qabto xanuun cusub oo kaa horjoogsanaya inaad qabato hawlaha caadiga ah, waa inaad sugtaa ila ainta difaaca jidhkaagu uu kasoo kabanayo. Tani waxay horseedaysaa in samaaynta caafiaad darada kale ee talaalka laga saaro oo ayna kasii darin xanuunkaaga kale. Sidoo kale, waxaad sugtaa ilaa inta aad kasoo kabanayso xanuunka kale si aad u xaqiijiso in aanad khatar gelinaynin dadka kale inaad qaadsiiso caabuqa marka aad u timaado talaalkaaga.

Haddii aad qabto astaamo COVID-19 ah, waa inaad joogtaa guriga oo aad is baartaa.

Ku dhawaad cid walba ayaa u qaadan kara talaalka si amaan ah. Ma jiraan walaacyo wayn oo dhinaca amaanka ah oo dadka uu diciifka yahay nidaamkooda difaaca jidhku ama qaba xanuunada difaaca jidhka. Waxaa macquul ah in talaalku aanu si wanaagsan ugu shaqaynin sida la filayaya dadka qaba nidaamka difaaca jidhka ee difiicka ah. Haddii aad qabto wax su’aalo ah oo aad leedahay nidaam difaaca jidhkaaga oo diciif ah ama xanuunada difaaca jidhka, waxa aad kala hadashaa daryeel bixiyhaaaga caafimaadka wixii macluumaadka talaalada COVID-19 ku saabsan.

Dhiiga caadadu waxaa waxa weeye nidaam adag, oo waxaa samaayn kara waxyaabo badan, sida isbadalka deegaanka, warwarka, hurdada, iyo dawooyinka qaar. Khadka makaanka ayaa loo arkaa inuu yahay qayb firfircoon oo kamid ah nidaamka difaaca. Marka uu nidaamkaaga difaaca jidhku uu si adag u shaqaynayo maadaama oo lagu talaalay ama aad xanuunsanayso, waxa aad isku arki karaa isbadal jawaab celin endometrium ah. Markaa waxaa macquul ah in talaalku uu si uun u saameeyo caadada.

Laakiin, hal shay oo ay tahay in lagu xisaabtamo mar kastaa waxaa weeye in marka la eego dadka badankooda, waxaa jiri doona dad wax kale la kulma caadadooda. Boqolaal milyan oo talaal ah ayaa la bixiyay adduunka oo dhan, waxaa jiri kara dad isku arka isbadal caadadooda ah sidoo kale. Cilmi baadhayaashu waxay kalsooni ku qabaan in talaalku uu yahay amaan, oo ma jirto macluumaad sheegaya inay jiraan walaacyo isbadalo iman kara oo nidaamka dhiiga caadada ah.

Talaalka COVID-19 ma qarsoomi kadib talaalka, markaa dadka dhawaan is talaalay ma filanyaaan inay uu saamayn doono caadada qofka.

Wixii isbadal ah ee aad ku aragto caadadaada kadib marka aad qaadato talaalka waa ku meel gaadh, markaa maaha sabab ay tahay in aanad u qaadan talaalka. Laakiin, dumarka qaba walaaca waa inay kala hadlaan dhakhtarkooda maadaama oo uu dib u dhac ugu iman karo caadadooda iyo sababo kale darteed.

Ururka Caafimaadka Dumarka iyo Dhalmada Kanada (Canadian Society of Obstetrics and Gynecology, SOGC) Gudida Latalinta Qaran ee Talaalka, iyo khabiirada caafimaadka shacabka Kanada dhamaan waxay ku taliyeen in dumarka uurka leh ama naaska nuujiyaa la siiyo mudnaanta oo la siiyo talaalka wakhti kasta (in kasta oo uu uurku le’eg yahay) inta ay uurka leeyihiin iyo inta ay naaska nuujinayaan haddii ay u qalmaan oo ayna jirin wax diidayaayi. Hadii aad qabto wax su’aalo ah, oo aad uur leedahay, qorshaynayso inaad uur qaado ama aad naas nuujinayso, waxa aad kala hadashaa daryeel bixiyahaaga caafimaadka wixii ku saabsan talaalka COVID-19.

Ma jirto wax cadeeya in wax kamid ah talaalada, oo uu ku jiro talaalka COVID-19, inuu sameeyo taranka dumarka ama raga.

Waxaa jira sababo yar oo dhigaya in aanu qofku qaadan talaalka COVID-19.

Waa in aanad qaadan talaalka haddii aad:

1. Ka qaado xasaasiyad daran waxyaabaha uu ka samaysan yahay talaalku: waxyaabaha uu ka samaysan yahay talaalada mRNA waxaa lala xidhiidhyaa xasaasiyad naadir ah laakiin aad u daran (anaphylaxis) waa polyethylene glycol (PEG), kaas oo laga helo waxyaabaha la isku qurxiyo, waxyaabaha la mariyo maqaarka, caaga, cuntooyinka qaar la mooriyay iyo sharaabyada iyo alaabaad kale. Oggow: PEG kuma jirto talaalada AstraZeneca iyo Johnson & Johnson. Waxyaabaha uu ka samaysan yihiin talaalada AstraZeneca iyo Johnson & Johnson waxay la xidhiidhaan xasaasiyad yar laakiin aad u daran waana Polysorbate 80 – Waxaa sidoo kale laga helaa diyaarinta dawada (sida, fiitaamiinada saliida, kiniinada iyo dawooyinka kaansarka) iyo waxyaabaha la isku qurxiyo.

2. Hore waxa aad u yeelatay xasaaasiyad naftaada khatar gelisay oo aad ka qaadan talaalkii kowaad ee COVID-19 ama qaybo kale oo talaalka ah.

Waxa aad kala hadashaa daryeel bixiyahaaga caafimaadka haddii aad xasaasiyad ka qaado anaphylactic laakiin aanad garanaynin waxa keena. Xasaasiyad aadka u daran, ee nafta khatarta gelisa ee talaalka (anaphylaxis) aad ayay u yar tahay – in aan uga yar inta ay dadku is leeyihiin. Anaphylaxis badanaa waa laga hortagi karaa oo waana la dawayn karaa markasta. Dhamaan bixiyayaasha daryeelka caafimaad ee talaalka ee Kanada waxaa looga baahan in lagu tobobaro inay la socdaan oo ay daweeyaan anaphylaxis isla markaba. Waa naadir, iyada oo ku xidhan talooyinka xasaasiyada iyo Sarkaalka Caafimaadka, qofka waxaa lagu siin karaa talaalka habdhismeedka isbitaal.

Laguma taliyo in aad cabto khamri ama adiga oo cabsan aad timaado balantaada talaalka. Tani maaha walaac ka jira amaanka talaalka (in khamridu la falgalo talaalka) laakiin maadaama oo daryeelka caafimaad bixiyayaashu ay tahay inay helaan ogolaanshe laga warqabo kahor talaalka in ayna ku siinin. Khamridu waxay cuuryaamin (yarayn) kartaa awoodaada inaad si buuxda u fahanto macluumaadka caafimaadka oo aad waydiiso su’aalo.

Ma jirto wax daraasad ah oo isticmaalka khamrida ah iyo samaaynta uu ku leeyahay talaalka COVID-19 ah. Dadka qaba balwada khamrida (alcohol use disorder, AUD) waxay yeelan karaan difiicnimo (liidasho) nidaamka difaaca ah oo waa inay kala hadlaan daryeelka caafimaad bixiye. Fikirka khabiiradu waa in aanaan filanaynin in xadiga dhexe ee khamrida ee la cabaa in aanu samaayn xun ku yeelanaynin jawaabta nidaamka difaaca ee jidhka.

Haddii aad isticmaasho mukhaadaraad, talaalka COVID-19 waa kuu amaan.

Laakiin marka la gaadho wakhtigii balantaada, waxa aanu laakiin ku talinaynaa in aanan mirqaansanaanin. Tani maaha maaha maadaama oo ay jiraan walaacyo amaanka talaalkii (sida in xashiishadu ay la fal gasho talaalka) laakiin waxaa weeye maadaama oo daryeelka caafimaad bixiyuhu kaaga baahan yahay ogolaanshe aad ka warqabto kahor talaalka inta aan lagu siinin. Xashiishadu waxay ay cuuryaamin (yarayn) kartaa awoodaada inaad fahanto macluumaadka caafimaadka oo aad waydiiso su’aalo.

Ma jirto wax daraasad ah oo laga sameeyay isticmaalka xashiishada iyo sida ay u saamaynayso talaalada COVID-19. Waxaa jira cadaymo soo baxaya oo muujinaya in mukhaadaraadka marka la cabo uu saamayn xun ku yeeesho qofka nidaamkiisa neefsiga oo uu wiiqiyo difaaciisa jidhka markaa waxaa sii muhiim noqonaysa in la qaado talaalka COVID-19 si fayraska la iskaga ilaaliyo hadii aad cabto.